Shirka Diiwaan-hayeyaasha Midowga Afrika oo lagu soo xiray magaalada Malabo

Date:

Waxaa Magaalada Malabo ee Caasimadda dalka Equotorial Guinea ku soo gaboobay shirkii sanadlaha ahaa ee Diiwaan-hayeyaasha Guud ee dad-dhigista Wadamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, shirkaan oo socday 23-27dii Bisha Juun 2025.

Shirkan oo diiradda lagu saarayey sidii loo dardargelin lahaa horumarinta ku aaddan dhisidda nidaamyo dad-dhigis dhameystiran oo loo dhan yahay —taasoo saldhig u ah bixinta aqoonsi sharci ah oo qof walba helo, si waafaqsan Ajandaha 2063 iyo Hadafyada Horumarka Waara ee Qaramada Midoobay (gaar ahaan SDG 16.9 & 17.19.2).

Agaasimaha Guud ee Adeegyada Dad-dhigista Mudane C.qani Maxamed Wehliye oo kaqeybgaly shirkan ayaa waxaa uu shir-gudoomiyey kal-fadhiga “Isku-xirka adeegyada dad-dhigista iyo caafimaadka,” oo ay waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika ku wadaageen waayo-aragnimadooda ku saabsan isku-xirnaanta nidaamyada caafimaadka iyo dad-dhigistaa si loo horumariyo diwaangelinta dhalashada iyo dhimashada. Fadhigan wuxuu iftiimiyay hal-abuurro la taaban karo, caqabadaha jira, iyo casharro muhiim ah oo laga bartay dalalka qaaradda.

Doodaha istiraatiijiyadeed iyo falanqaynta farsamo ee ka dhacay kal-fadhiyadii kala duwanaa ee shirka waxaa lagu dhegeystay waayo-aragnimada dalalka qaaradda afrika, Caqabadaha iyo fursadaha horumarineed ee jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...