NISA oo howlgal ku dishay 13 khawaarij ah

Date:

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya Saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorshaysan oo ay xalay ka fuliyeen Isgoyska Gaycad ee deegaanka Mabaax ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan malleeshiyaadka Khawaarijta, kuwaas oo ahaa firxadka malleeshiyaad iyo horjoogeyaal hore loogu beegsaday isla deegaankan.

War Saxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in howlgalkan la fuliyay laba jeer oo is-xigta uu bartilmaameedkiisu ahaa goob ay isku abaabulayeen malleeshiyaadka khawaarijta si ay dhagaro ugu maleegaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaana halkaas lagu soo afjaray dhagartoodii, iyada oo sidoo kale la burburiyey dhammaan hubkii iyo agabkii ay wateen.

Ha’yadda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka waxaa ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadawga Khawaariijta ah ee ku hawlan dhagarta iyo dhibaataynta Shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo la kulmay Madaxa cusub ee UNHCR Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa Dalka Kuweyt

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi...