MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY HIIGSIGA QARAN 2060

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Hiigsiga Qaran ee 2060 ayaa sheegay in la joogo xilligii Shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u dooran lahaayeen hoggaankooda, taas oo xoojinaysa hiigsiga nabadda, midnimada iyo horumarka.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Hiigsiga 2060 uu yahay ballan-qaad qaran oo ku wajahan jiilasha soo socda, kuwaas oo fursad u heleya dhaxalka aynu maanta u abuurayno iyo in dalkeennu uu la tartamo dalalka horumaray.

“Waxaan maanta dooranay inaan ka gudubno niyad-jabka, una jeesanno hal-abuur iyo wax-wadaqabsi. Aragtidani waa buundo u dhexeysa maanta iyo berri, dhaxalka aan maanta ka tagayno iyo dheefta barri”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xusay in Soomaaliya ay cagta saartay waddo cusub oo lagu gaari karo horumar waara ayaa soo bandhigay tiirarka uu ka kooban yahay Hiigsiga Qaran 2060-ka.

“Aragtidan waxay ku saleysan tahay saddex tiir oo muhiim ah:

• Midnimo qaran iyo ilaalinta qiyamka Soomaaliyeed.

• Xalka Soomaaliyeed oo lagu saleeyo xaqiiqooyinka gudaha.

• Mudnaanta danta guud ee shacabka Soomaaliyeed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyay dhammaan bulshada Soomaaliyeed, gudaha iyo dibaddaba, in ay qayb ka noqdaan hirgelinta qorshahan qaran, isagoo adkeeyay in guusha qorshahan ay ku xirnaan doonto dadaalka wadajirka ah ee shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...