Madaxweyne Xasan Sheekh oo daah-furay gogosha wadatashiga Qaran

Date:

Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray gogosha Wadatashiga Qaran ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay adkaynta midnimada iyo wadajirka, isagoo ku booriyay in laga fogaado wax kasta oo dadka kala geynaya.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu ay xoogga saarayso sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah hadaf Qaran, islamarkaana mucaarad iyo muxaafidna aysan dooneynin in dib loogu laabto doorasho dadban oo caqabado badan laga dhaxlay, isagoo xusay in madaxda su’aalaha ka qaba doorashada qof iyo cod ah lagu qancin doono wadahadal, si loo gaaro guul dhaxal-gal ah.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa xusay in beesha caalamku ay dadaal ku bixisay taageerada Soomaaliya, balse horumarinta dalku ay tahay mas’uuliyad u taal dadka Soomaaliyeed.

“Caalamka wuu nasiiyay wixii aan kaga baahnayn, balse waxaa qabyo ah shaqo inaga inoo taalay, oo ahayd in dadka Soomaaliyeed mar hore ka gudbaan si aan u dhisanno dowladnimo dhammaystiran,” ayuu madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Gogosha wadatashiga Qaran waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan laamaha dowladda, siyaasiyiin dalka xilal hore uga soo qabtay, ururada siyaasadda, bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay dib-u-dhiska xarunta Degmada Shingaani

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed...

Wasiirka Qoyska oo kulan la qaadatay dhiggeeda dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS ayaa...

Duqa Muqdisho oo la kulmay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay Culimada Soomaaliyeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...