Wafdi ka socda Soomaaliya oo Faransiiska uga qaybgalaya shirka 3-aad ee Qaramada Midoobay ee Badaha

Date:

Wafdi ka socda Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Waaxda Deegaanka Badd iyo Ilaalinta, Mudane Keenadid Mumin Ali, iyo Xirriiriyaha Mashruuca Badmaal, Abdullahi Addow, ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha Saddexaad ee Qaramada Midoobay ee Badaha (UNOC 3), kaas oo si habsami leh uga socda magaalada Nice, ee dalka Faransiiska. Shirkaan waxaa si wadajir ah u qabanaya dowladaha Faransiiska iyo Costa Rica, wuxuuna soconayaa inta u dhaxaysa Juun 9–13, 2025.

Mawduuca shirka sanadkan ayaa ah dardar gelinta tallaabooyinka lagu horumarinayo badaha iyo sidii xal waxtar leh looga heli lahaa arrimaha la xiriira badaha adduunka, taas oo qayb ka ah yoolka Horumarka Waara ee 14aad (SDG 14), oo loogu talagalay “Nolosha Badda Hoosteeda.”

Soomaaliya ayaa sanadkan xoogga saareysa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee ilaalinta badda iyo soo bandhigista xalal waxtar leh ee ka faa’iideysiga kheyraadka badda. Wafdigu sidoo kale waxa ay u ololeynayaan ilaalinta deegaanka badeed iyo noolaha ku nool badaha, si looga hortago mushkiladaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo saamaynta uu yeelan karo.

Shirkan UNOC 3 wuxuu yahay fursad muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada caalamiga ah ee badbaadinta badda iyo kheyraadkeeda. Ka qaybgalka Soomaaliya wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay ilaalinta deegaanka badeed iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda si waafaqsan himilooyinka caalamiga ah ee ku aaddan badbaadinta iyo hormarinta badda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer ku tagay Markabka Shidaalka ee “Oruc Reis”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha Xargaha Isgaarsiinta ee Badda hoos mara

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan rasmi ah la yeeshay dhiggiisa Rwanda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Dowladda Federaalka...

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo tababar u furtay suxufiyiinta ka howlgala Warbaahinta

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaaka Soomaaliya oo...