๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Œ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐๐๐š ๐—๐…๐’ ๐จ๐จ ๐ค๐ก๐ฎ๐๐›๐š๐ ๐Œ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ ๐š๐ก ๐ค๐š ๐ฃ๐ž๐ž๐๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐Ÿ๐š๐๐ก๐ข๐ ๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ง๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ž๐ž ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ง๐ ๐ข๐ ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ˆ๐ฌ๐ฅ๐š๐š๐ฆ๐ค๐š

Date:

Waxaa Magaalada Algerias ee caasimadda dalka Algeria lagu soo gabagabeeyay shirka Bangiga Horumarinta Islaamka oo sanad waliba xiligaan oo kale la qabto, waxaana sanadkaan Dowladda Soomaaliya uga qeyb galay Wafdi uu hogaaminayay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya iyo Safiirka Soomaaliya ee Dalka Algeria.

Kulanka loo dhayahay ee Bangiga ayuu khudbad kooban ka jeediyay Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, isagoo qudbadiisa diiradda ku saaray arrimaha horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo Dowladdu ay galisay dadaal xooggan. Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa ka soo qeybgalayaasha shirka oo isugu jiray Wasiiro iyo Safiiro matalayay dalalkooda waxa uu u xaqiijiyay deyn cafintii kadib tilaabooyinka guusha ah ee ay Dowladdu qaaday iyo sida ay dalalka kale cashar uga baran karaan hannaanka dib-u-haneynta Maaliyadda dalka oo horseeday in adduunku u aqoonsado guul maaliyadeed oo taariikhi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Madasha Arrimaha Baniโ€™aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hayโ€™adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...

RW Xamsa oo magacaabay wasiir ku-xigeen cusub

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha...