Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo shir guddoomiyey shirka Guddiga Farsamo Arrimaha Xasilinta

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa guddoomiyey kulanka Bllaha ah ee Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hayโ€™adaha Federaalka ah.

Kulankan uu sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasillinta ahna Agaasimaha Xiriirka iyo Lafalgalka Dadweynaha ee Waaaaradda Arrimaha Guddaha ee Soomaaliya mudane Cabdicasiis Axmed Gurbiye wuxuu sharaxay ujeedka loo dhisay guddigan, ahmiyadda iyo kaalintiisa xilliggan uu dalku ku jira dib u xorreyn iyo ladagaalanka Argigixisada, iska warqabka, mideynta ajendeyaaaha iyo, Fariimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbintooda ee dhammaan heyโ€™adaha labada heer ee0 ka shaqeeya howlaha Xasillinta.

Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage ayaa bogaadiyey howsha guddiga isagoo ka warbixyey howlgallada ay ku jiraan geesiyaasha xoogga dalka, sida ay ugu raadjoogaan Haraadiga Cadowga iyo kaalinta ay tahay in ay guddigan ku lahaadaan gulufka socda iyo bandhigga guulaha.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Denjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ku dheeraaday kaalinta ay warbaahinta u leedahay Abaabulka, ka hortagga dacaayadaha Argagixisada, soo gudbinta iyo garab istaagga guulaha ciidamada xoogga dalka, jiheynta umadda iyo soo bandhigidda waxqabadka dowladda gaar ahaan dedaallada Xasillinta iyo Soo kabashada isaga oo adkeeyey in la labo jibaarro howsha loona diyaargaroobo wejiga ugu dambeeyey ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirweynaha 2-aad Hoggaamiyeyaasha Garsoorka Afrika

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo war kasoo saartay colaada Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS)...

Hoggaamiyaha DG Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Hayโ€™adda SODMA

Hoggaamiyaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed...