Golaha shacabka oo ansixiyey hindise sharciyeedka Barakacayaasha iyo dad dhigista

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga lixaad kulankiisa 16-aad, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horeyn Xildhibaan Cabdulqaadir Barako oo ka mid ah Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha Shacabka ayaa mudanayaasha Golaha la wadaagay warbixinta akhrinta saddexaad ee Hindise Sharciyeedka Barakacayaasha oo uu guddiga kusoo daray doodii iyo aragtidii xildhibaanada ee akhrintii labaad.

Intaasi ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka oo cod u qaaday Hindise Sharciyeedkan ayaa waxaa ogolaatay 136-Xildhibaan, 4-xildhibaan ayaa diiday, wax ka aamusayna ma jirin, sida uu sheegay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka shir guddoominayay.

Sidoo kale mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday Hindise Sharciyeedka Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha madaniga ah, waxaana ogolaatay 136-Xildhibaan hal xildhibaan ayaa diiday 5-xildhibaanna waa ay ka aamustay, sida uu sheegay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo kulanka soo xiray ayaa ka hadlay arin ay xildhibaano Golaha ka tirsan soo jeediyeen taas oo aheyd in Golaha uu dhaqaale ku taageero Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka ee dagaalka xaqa ah kula jira Khawaariijta, waxaana Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay in arrintaas uu guddoonka Golaha guddi gaar ah u xilsaari doono.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...