Gaashaanle dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

Date:

Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa ka qeyb galay aaska qaran ee loo sameeyay Allaha u naxariistee Gaashaanle Dhexe Cabdi Salaad Xujaale oo maanta lagu aasay magaalada Muqdisho.

Aaska waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Senatarro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ah.

Mudane Cali Shacbaan ayaa sheegay in marxuum Xujaale uu ahaa geesi Soomaaliyeed oo naf-hurnimo ku muujiyay difaaca qaranka, kuna caan baxay hoggaan wanaagsan, daacadnimo iyo ka go’naansho ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii uu socday aaska, Guddoomiye Shacbaan ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, ehelladii iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay samir iyo iimaan, marxuumkana Alle uga baryay Jannatul Firdowsa.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay shirka Maalgelinta AUSSOM

Maxadwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wakiilka Soomaaliya u qaabbilsan IAEA oo warqadaha aqoonsiga u gudbisay Agaasimaha Guud ee hay’adda

Safiirka Soomaaliya u fadhida Austria iyo Switzerland, ahna wakiilka...