Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay Madaxa Islamic Relief Somalia 

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Islamic Relief Somalia, Mudane Aliow, iyo wafdi uu hoggaaminayo. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta labada hay’adood iyo qorshaha daadejinta howlaha samafalka ee Islamic Relief.

Labada dhinac ayaa isla gartay in si dhow ay u wada shaqeeyaan si wax looga qabto dhibaatooyinka ay sababaan isbeddelka cimiladu. Islamic Relief Somalia ayaa horey uga digtay xaaladda cunno yari ee ka jirta gobollada sida Baay, halkaas oo abaaraha, daadadka, iyo rabshadaha socda ay sii kordhinayaan faqriga iyo barakaca, taasoo abuuraysa gaajo iyo xasilooni darro.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha samafalka si loo yareeyo saameynta musiibooyinka, loona gaaro bulsho adkaysi leh. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada SoDMA ee lagu horumarinayo iskaashiga hay’adaha samafalka si loo yareeyo saameynta musiibooyinka, loona gaaro bulsho adkaysi leh.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka...

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay wafdi ka socday hay’adda UNDP

Guddoomiyaha Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Somaaliyeed Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle,...

Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo Turkiga u tegay booqasho khibrad-wadaag warfaafineed ah

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo...