Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sweden

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Boqortooyada Sweden u fadhiya Soomaaliya, Mudane Joachim Waern. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada badan ee labada dal.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada mas’uul waxay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga istiraatiijiyadeed, isuduwidda dhinacyada badan, iyo dadaallada lagu taageerayo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya. Wasiirka iyo Safiirka ayaa caddeeyay sida ay uga go’an tahay in la sii ambaqaado wadahadallada mugga weyn leh ee lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Safiirka Sweden, Mudane Joachim Waern, ayaa sidoo kale muujiyay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda iyo horumarka. Waxa uu bogaadiyay dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku bixisay dib-u-habaynta dastuurka, horumarka laga sameeyay Golaha Wada-tashiga Qaranka (NCC), iyo hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ah, oo guulo waaweyn oo dhanka dimuqraadiyadda ah.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, iyadoo la isla gartay in la dardar geliyo wadashaqeynta ku dhisan danaha labada shacab.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...