Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad oo furay Shirweynaha dhaqaale ee Dastuurka

Date:

Shirweynaha lagu falanqeynayo saameynta dhaqaale ee qaab-dhismeedka Dastuurka ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jabriil Cabdirashiid.

Shirka oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa waxaa looga hadlay sida qaab-dhismeedka Dastuurka Federaalka uu u saameyn karo koboca dhaqaalaha, qeybsiga kheyraadka, maareynta dakhliga, iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Waxaa madasha ka qeybgalay Wasiirka Dastuurka Xasan Macallin, Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beene Beene, khubaro, iyo wakiillo ka socday hay’adaha dowladda iyo daneeyeyaasha arrimaha dastuurka.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ay ugu jirto hirgelinta Dastuur dhammeystiran oo suurtagal ka dhigaya nidaam dawladnimo oo hufan oo dhaqaale ahaan u adeegaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...

RW Xamsa oo magacaabay wasiir ku-xigeen cusub

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha...