Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Qatar

Date:

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Hon.Yusuf Mohamed Adan, ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay dhiggiisa dalka Qatar, Mudane Cali bin Samikh Al-Marri.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac ee ku aaddan arrimaha shaqada, oo ay ka mid yihiin horumarinta goobaha shaqada, ballaarinta barnaamijyada tababarka, iyo kor u qaadista fursadaha shaqo.

Labada wasiir ayaa sidoo kale ka wadahadlay sidii loo dardargelin lahaa dadaallada lagu horumarinayo kobaca dhaqaale ee waara iyo horumarinta bulshada. Waxaa si gaar ah loo dul istaagay dib u eegista heshiis iskaashi oo labada dal wada saxiixdeen sannadkii 1983-kii, kaas oo quseeya shaqo wadaag iyo horumarinta bulshada.

Kulanka wasiirka waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee dalka Qatar, Danjire Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe), iyo qaar ka mid ah hawlwadeennada Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo la kulmay wafdi ka socday Dalka Sudan.

Maareeyaha Guud ee Dekadda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur...

Wasiir Xasan Macallin “Xeerka Ciqaabta Soomaaliya waxaa uu la jaanqaadayaa diinta islaamka”.

Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macallin Maxamuud oo...

Guddiga Doorashooyinka oo ku shaaciyay liiska musharaxiinta ee golaha deegaanka.

Guddigga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha.isagoo gudanaya...

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka qeyb galay TRIPOLI MEDIA DAYS.

Tripoli, 11  December 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska...