Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay Safiirka Qatar 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi, oo booqasho sharafeed ku yimid.

Intii lagu guda jiray kulanka, labada mas’uul waxa ay diiradda saareen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo ballaarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan, iyagoo ka wada hadlay sidii looga miro dhalin lahaa danaha ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa fursado hor leh oo iskaashi.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, gargaarka bini’aadantinimo, iyo dadaallada nabadeynta dalka.

Dhankiisa, Safiir Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi ayaa hoosta ka xariiqay sida ay dowladda Qatar uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee kala dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay in Qatar ay sii wadi doonto ka qeybqaadashada dib-u-dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha oo guddoomiye cusub u magacaabay Jaamacadda Ummadda

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Shaqaalaha kala hadlay dar-dargelinta howlaha shaqo ee Qaranka

Maareeyaha Guud ee Dekedda Caalamiga ah ee Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhaqaalaha labada dal

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha degmada Buurhakaba

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan...