Hay’adda isgaarsiinta Qaranka oo Muqdisho ku qabatay oo Qabanqaabisay aqoon isweydaarsi ku saabsan isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah

Date:

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), oo kaashanaysa Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) iyo Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa soo qabanqaabisay aqoon-is-weydaarsi heer sare ah oo soconaya muddo laba maalmood ah, kaas oo ku saabsan siyaasadda iyo qaab-dhismeedka nidaamka isgaarsiinta xaaladaha degdegga ah iyo nidaamyada digniinta hore ee taleefannada gacanta (CB-EWS), oo qeyb ka ah Tiirka 3aad ee hindisaha “Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay” (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsiga, oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, ayaa isu keenay daneeyayaal muhiim ah, oo ay ka mid yihiin shirkadaha isgaarsiinta iyo shirkadaha bixiya adeegyada internetka iyk qaar kamid ah Hay’adaha dowladda.

Dr. Mustafa Almahdi, Wakiilka ITU, oo hadal ka jeediyay furitaanka aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xusay doorka muhiimka ah ee isgaarsiintu ku leedahay badbaadinta nolosha, isagoo adkeeyay sida ITU uga go’an tahay taageeridda dadaallada Soomaaliya ee hoos yimaada hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa iftiimiyay baahida degdegga ah ee loo qabo in la xoojiyo diyaar-garowga qaran iyadoo la adeegsanayo teknoolajiyada casriga ah ee digniinta.

Mudane Mustafa Yaasiin Sheekh, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, oo si rasmi ah u furay aqoon-is-weydaarsiga, ayaa xaqiijiyay sida ay Hay’addu uga go’an tahay dhisidda hannaan isgaarsiineed oo degdeg ah oo la isku hallayn karo, oo daboolaya baahiyaha dalkeenna.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee aqoon-is-weydaarsiga, ka-qaybgalayaashu waxay falanqeyn doonaan xeer nidaamiyayaasha iyo shuruucda heer farsamo ee lagu hawlgelinayo Nidaamka Digniinta Hore ee Taleefannada Gacanta (CB-EWS) ee dalkeenna, dib-u-eegista habraacyada wadashaqaynta hay’adaha ee lagu maareeyo dirista digniinaha degdegga ah, aqoonsiga arrimaha farsamo iyo sharciyeed ee fududeynaya gudbinta farriimaha iyada oo loo marayo shabakadaha mobilada, iyo ku heshiinta qorshaha hirgelinta CB-EWS oo la waafajinayo tiirarka kale ee hindisaha Digniinta Hore ee Loo Dhan Yahay (EW4All).

Aqoon-is-weydaarsigan waxa uu qayb ka yahay dadaallada socda ee hindisaha EW4All si loo xaqiijiyo in dhammaan dadka Soomaaliyeed ay helaan digniin hore oo degdeg ah oo wax ku ool ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa South Africa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Xarunta...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyeen heshiis is-af-garad u dhaxeeyo dowladaha Soomaaliya iyo Masar

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo tababar u soo xiray Cutubyo ka tirsan Gorgor

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...