Amb Jibriil oo xariga ka jaray bandhigga ganacsiga Islaamka oo ka furmay Nairobi

Date:

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xariga ka jaray bandhigga ganacsiga waafaqsan shareecada Islaamka, kaasoo ka furmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Bandhiggan ganacsi oo ay ka qeybgaleen in ka badan 70 shirkadood oo ka kala socday dalalka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika iyo kuwa ka socday dalalka kale ee caalamka.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle oo munaasabadda daahfuray ayaa ku bogaadiyey ganacsatada in tani ay tahay mid ku dayasho mudan, loona baahan yahay in barnaamijkan la gaarsiiyo guud ahaan gobolka.

“Ganacsiga xalaasha ah waxa uu noqday mid caalamka si xooggan uga taabagalay. Wadamada Afrikaana aad uga shaqeeya hadda, dhaqaale aad u fara-badan oo malaayiin dollar ah ayaa ku baxa,” ayuu yiri Danjire Jabriil, isagoo hadalkiisa ku daray, “Lacagaha la filayo inay gaaraan saddex trillion, dhowrsano kadibna waxaa la filayaa in meesha ugu sareysa ay gaarto.”

Danjiraha ayaa xusay in ganacsatada isugu timid madasha ay fursad u heystaan inay soo bandhigaan ganacsi xalaal ah.

Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Kenya, ayaa tilmaamay in Safaaradda oo kaashaneysa mas’uuliyiinta Safaaradda Thailand ay qorsheynayaan inay qabtaan madal lagu soo bandhigi doono ganacsiga xalaasha ah iyo kaalinta bulshada uga aadan inay ka qaataan fursadaha maalgashi iyo ganacsi intuba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...