Ciidamada Qaranka oo khasaare ba’an ku gaarsiiyay Khawaarijta Degaanka Wargaadhi

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa saakay howlgal qorsheysan ku qaaday kooxaha Khawaarijta ah ee ku dhuumaaleysanayay deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka oo si xeeladaysan loo fuliyay ayaa sababay khasaare culus oo lagu gaarsiiyay kooxaha argagixisada, iyadoo saraakiisha hoggaaminaysay ay sheegeen in la dilay tiro ka mid ah Khawaarijta, halka kuwa kale ay goobta ka firxadeen.

Ciidamada ayaa wali ku sugan deegaanka, iyagoo fulinaya baaritaano dheeraad ah si loo xaqiijiyo amniga deegaankaas muhiimka ah.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ee caadeystay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...