Soomaaliya oo 34 Sano kadib dib u howlgalisay Maamulka tooska ah ee Boostada Caalamiga ah 

Date:

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guul taariikhi ah oo dalka uu ka gaaray hirgelinta maamulka tooska ah ee boostada caalamiga ah, 34 sano kadib.

Guushan muhiimka ah ayaa ka dhigan in Adeegga Boostada Qaranka Soomaaliyeed (SNPS) uu si rasmi ah ula wareegay maamulka is-weydaarsiga boostada caalamiga ah. Laga bilaabo 1-da May 2025, Soomaaliya waxay si madax-bannaan u maamuli doontaa boostada soo galeysa iyo tan baxeysa, iyada oo loo marayo xarunta cusub ee is-weydaarsiga ee Muqdisho.

Wasiir Maxamed Soomaal ayaa xusay in guushan la gaaray kadib dadaal dheer iyo geeddi-socod qaran oo ay horseed u ahayd Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda, iyadoo ay garab-taagnaayeen hay’adaha dowladda, khubaro farsamo, iyo bahda boostada gudaha iyo dibadda.

Fursaddan waxa ay si gaar ah uga faa’iideynsan doonaan ganacsatada Soomaaliyeed oo heli doona adeegyo boosto oo casri ah, degdeg ah, ammaan ah, kuna xiran shabakadaha boostada caalamiga ah. Sidoo kale, shacabka Soomaaliyeed waxay si fudud u diri doonaan una heli doonaan waraaqo, alaabo, iyo fariimo muhiim ah meel kasta oo ay dunida kaga sugan yihiin.

Wasiirku wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay dhammaan cidii ka qayb qaadatay hirgelinta qorshahan, isaga oo mar labaad shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushan qaranka u soo hoyatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...

Danjire Cabdikarin Axmed oo warqadihii aqoonsiga u gudbiyay Madaxda Finland

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden Cabdikarin Axmed Maxamed...