Howlgallo lagu ciribtirayo khawaarijta oo laga fuliyay degaanka Aboorey 

Date:

Ciidamada Difaaca Deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa xalay weerar qorsheysan ku qaaday xubno ka tirsan kooxda Khawaarijta oo ku dhuumaaleysanayey aagga deegaanka Aboorey. Howlgalka ayaa yimid kadib markii ciidamada deegaanka ay ka war heleen in Khawaarijtu isku aruursanayaan deegaankaas. Ciidamada ayaa halkaas ku qaaday weerar culus oo cashar loogu dhigay Khawaarijta, khasaare xooggana lagu gaarsiiyey.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay gaarsiiyeen Khawaarijta, isla markaana howlgalkaas uu u dhacay sidii loo qorsheeyay. Ciidamada Difaaca Deegaanka ayaa gacanta ku haya goobtii uu ka dhacay howlgalkaas ee Khawaarijta lagu laayey, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen.

Sidoo kale, ciidamada deegaanka ee Gobolka Hiiraan ayaa weerar kale ku qaaday Khawaarij isku aruursatay inta u dhaxaysa deegaanka Mabaax iyo degmada Aadan Yabaal. Weerarkan ayaa lagu gaarsiiyey cadowga khasaare culus, waxaana ciidamada deegaanka ku guuleysteen inay ka hortagaan dhagartii ay u maleegayeen shacabka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...