Wasiir Beene-beene oo la kulmay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya

Date:

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beene-beene), ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan muhiim ah kula qaatay Wakiilka UNICEF ee Soomaaliya, Marwo Wafaa Saeed, iyadoo ay wehliyeen Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Shire.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UNICEF, gaar ahaan sidii loo mideyn lahaa dadaallada ku aaddan hirgelinta iyo isku-duwidda Qorshaha Isbeddelka Qaran (NTP) iyo Barnaamijka UNICEF ee Soomaaliya. Iskaashigan ayaa muhiimad weyn u leh horumarinta adeegyada bulshada iyo taageerada carruurta iyo haweenka Soomaaliya.

Wasiir Beene-beene ayaa sheegay in ay Wasaaraddu ku dadaalayso in la isku dubarido qorshayaasha muhiimka ah ee dalka, isla markaana loo helo taageero iyo iskaashi dhanka hay’adaha caalamiga ah sida UNICEF si loo gaaro horumar waara.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...