Wasiir Biixi oo kulan la qaatay Madaxda Sare ee Sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Carabtaย 

Date:

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo maalmahan safar shaqo ku joogay dalka Kuwait, ayaa waxa uu kulamo miro-dhal ah la qaatay masuuliyiin Dowladeed iyo qaar ka mid ah madaxda Heyโ€™adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha maalgalinta, Wasiirka iyo wafdigisu waxa ay kulan gaar ah la qaateen madaxda Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait, kulan kaas oo diiradda lagu saaray sidii loo helilahaa maalgalin ku saabsan ilaha dhaqaalaha dalka iyo hannaanka dib-u-haneynta Maaliyadda dalka oo Dowladda Kuwait ay hore gacan balaaran uga gaysatay.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga wada hadlay fursada maalgalineed ee u baahan in iskaashi gaar ah laga yeesho iyada oo diiradda la saarayo maalgalinta ilaha wax soo saarka bulshada Soomaaliyeed ay aadka u danaynayaan di dhaqaalaha gudaha dalka uu sare ugu koco.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa mahadcelin kadib waxa uu tilmaamay in Sanduuqani uu door muhiim ah kulahaa in Dowladda Soomaaliya ay gaarto bartii kama dambeysta ee hannaankii deyn caginta, sidoo kale Mudane Wasiir Biixi ayaa sheegay in kulanka ay hada la yeesheen Agaasimaha Guud ee Kuwait Fund Mr. Waleed Shamlan Al-Bahar ay warbixin guud ka siiyeen heerka maaliyadeed ee maanta ay taagan yihiin kadib deyn cafintii iyo qorshe yaasha maalgalineed ee Dowladda Soomaaliya ay mihiimadda siinayso.

Sanduuqa Horumarinta Dhaqaalaha Carabta ee Kuwait waxa uu ka mid yahay Saaxibada sida joogtada ah uga qeyb qaatay safarkii Dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta Dhaqaalaha iyo hagaajinta hannaanka Maaliyadeed ee dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...

Guddiga Maaliyadda ee BFS oo kulan ku yeeshay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La-xisaabtanka...

Maxkamadda Sare oo laashay natiijada doorashadii Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka Galmudug

Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ayaa maanta laashay natiijadii...