Guddiga Qaran ee la-dagaallanka khawaarijta oo booqdeen Isbitaalada Muqdisho

Date:

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, anha Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Taageerada La-dagaallanka Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish., ayaa booqday qaar kamid ah Isbitaallada caasimadda oo lagu daryeellayo dhaawacyadii geesiyaasha xoogga dalka iyo kuwa deegaannada ee waxyeelladu kasoo gaartay jiidaha hore ee dagaalka.

Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka, oo mid mid u dul-istaagay dhaawacyada ayaa ka waraystay xaalladooda caafimaad, wuxuunna sheegay in dowladdoodu la garab taagantahay daryeel walba oo ay u baahan yihiin, lana socon doonto xaaladdaha ay ku sugan-yihiin.

Booqashada Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka iyo xubnaha guddiga, oo warbixinno kala duwan ka dhagaystay howl-wadeennada gacanta ku haya dhaawacyada ayaa kula dardaarmay in ay ugu adeeggaan si hufan geesiyaasha u dhaawacmay halganka dalka looga sifeynayo kooxaha arxanka daran ee Khawaarijta ah.

Mudane Cabdisalaam, oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guddigan uu yahay mid Qaran oo ka howlgallaya dhammaan gobollada dalka, iyaga oo si buuxda u garab istaagaya ciidamada qalabka sida, kuwa maamul gobolleedyada, dadka deegaannada, wuxuunna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay si buuxda uga qeyb qaataan difaaca dalka iyo diinta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...

Kenya oo qalliin Caafimaad dhegaha ah loogu sameeyey 15 Carruur Soomaaliyeed ah

Waxa Magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyay qaliin kooban oo...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Shirweynaha Qaran...