Soomaaliya oo ka qeyb-gashay Shirka geeddi socodka Khartoum oo lagu qabtay Qaahira

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah khudbad ka jeediyay shirka labaad ee heer Wasiir ee geeddi-socodka Khartoum oo ku qabsoomay magaalada Qaahira ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 dowladood oo matalayay waddamada Yurub, Geeska Afrika, wakiillo ka socday urur goboleedyada iyo kuwa caalamiga, ayaa diiradda lagu saaray dadaallada lagula dagaallamayo socdaalka sharci-darrada iyo ka ganacsiga dadka.

Wasiirka ayaa bogaadiyay dowladda Masar oo ah shir-guddoonka shirka, isaga oo sheegay in geeddi-socodka Khartoum uu yahay mid run ah oo muujinaya xaaladaha isbeddelka leh ee arrimaha socdaalka, ayna tahay madal muhiim u ah wada-hadal wax ku ool ah, is-weydaarsiga fikradaha iyo tallaabo-qaadka.

Wasiirka ayaa soo dhoweeyay ku soo noqoshada Suudaan ee madasha, isaga oo xusay in Soomaaliya ay hindistay in howsha la sii ambaqaado xilli ay adkayd, haatanna ay soo dhoweynayso dib-u-hanashada Suudaan ee kur sigeeda matalaadda.

Wasiir Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la qaato hab-maamul loo dhanyahay oo ku saleysan socdaalka, oo la jaanqaadaya qorshe hawleedka Qaahira.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale carrabaabay dadaalka badan ee lagu xoojinayo habka isuduwidda iyo dejinta siyaasadaha ku aaddan xuquuqda, isagoo dhowraya farqiga u dhexeeya lab iyo dhedig, iyo sidoo kale xal u raadinaya sababaha keenay socdaalka sharci-darrada ah ee loo yaqaan tahriibka.

Wasiirka ayaa sheegay in hannaanka socdaalka oo ah halbowle u noqda iskaashi sarreeya lagu maareyn karo, laguna ilaalin karo xaqa soo galootiga, dib-u-celinta, ku dhex-milanka bulshada iyo burburinta shabakadaha dembiyada abaabula.

Wasiir Axmed Fiqi ayaa muujiyay taageeraddiisa dhammaystiran ee Faransiiska oo noqonaya shir-guddoonka xiga ee geeddi-socodka Khartoum, wuxuuna u mahadceliyay Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo xarunta (ICMPD) horumarintooda siyaasadaha socdaalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulanka hirgelinta Nidaamka Qaran ee Digniinta Hore ee Khataraha

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Isimmada dhaqanka ee deegaannada Waqooyi Bari

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoyga uu...

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka oo kulan la qaadatay Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Kmg ah ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha...

Guddiga Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya oo booqday maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xiran Liibiya

Wafti ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka...