Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulanka 150-aad ee Baarlamaanka Adduunka

Date:

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo sidoo kale xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) ayaa Magaaladda Tashkent wadanka Uzbekistan uga qeyb galay furitaanka kalfadhiga 150-aad Ee Shirka Baarlamaanka Aduunka IPU.

Shirka sanadkan ayaa looga doodi doonaa mowduuca guud ee ah Tallaabada Baarlamaanka ee Horumarinta Bulshada iyo Caddaaladda, iyada oo inta kulanka uu socdo ay jiri doonto madal ay ka qeyb galayaashu kaga doodi doonaan arrimahaas, sidoo kale shirka inta uu socdo madaxda ka qeyb galeysa waxa ay is-weydaarsan doonaan aragtiyadooda ku aadan mowduuca shirka iyaga oo talooyinkooda ku biirin doona.

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shirka ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono xaaladda guud ee wadanka iyo guulaha ay dowlada ka gaartay la Dagaalanka argagaxisada sidoo kale iyo arimaha Aminga caddaaladda iyo hormarka bulshadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Shacabka Muqdisho oo soo dhoweeyey qaybinta kaarka codbixinta

Shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir ayaa si weyn u...