Rššā€™š¢š¢š¬š®š„ š–ššš¬ššššš«šž š—ššš¦š¬šš, šØšØ š±š¢š„š¤šš š® š¤ššš„šš š°ššš«šžšžš£š¢š²šžš² š–ššš¬š¢š¢š«š¤šš šœš®š¬š®š› šžšž š–ššš¬ššššš«šššššš š†ššššš¬š”ššššš§š¢š š šš š¢š²šØ š–ššš¬š¢š¢š«š¤š¢š¢ š”šØš«šž

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur,

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay laf-dhabar u tahay difaaca Qaranka, amniga iyo horumarinta siyaasadda Qaran ee dib-u habeynta iyo tayeynta ciidanka Qaranka ee habeen iyo dharaarba u dhimanaya difaaca dalka iyo diinta, si loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah, loona baahanyahay in la dhamaystiro Qorshaha Xukuumadda ee Soomaaliya nabad ah.

ā€œWasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka oo muddo dheer kaddib dalkeenna laga qaaday, diyaarintii ciidamadii kala duwanaa ee ka qeyb-qaatay amniga caasimadda, iyo diyaarinta qorshaha casriyeynta hannaanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu sameeyay dib-u-habeyn xooggan, sidaas awgeed Wasiirka cusub waxaa laga doonayaa in uu horumariyo siyaasadda Qaran ee difaaca iyo dib-u xoreynta dalkaā€. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Wasiir Cabdiqaadir, ku ammaanay dedaalkii badnaa ee uu galiyey sidii loo heli laxaa ciidan Qaran oo awood u leh in ay dalkeenna ka difaacan cadowga, una diyaarsan ciribtirka Khawaarijta, waxaa uuna Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargaliyo dib u habeynta ciidamada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga si looga guuleysto kooxaha argagixisada ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...