Duqeyn lagu beegsaday Daacish oo ka dhacday gobolka Bari ee Puntland

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaysa Taliska AFRICOM ee Ciidamada Mareykanka, ayaa si wadajir ah u fuliyay howlgal duqeyn ah oo ka dhan ah ISIS.

Duqeyntan oo dhacday maanta, waxaa lagu beegsaday maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan khawaarijta Daacish, kuwaas oo isku aruursanayay koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland. Howlgalka ayaa lagu taageerayay dadaallada Ciidanka Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ee lagu ciribtirayo khawaarijta.

Qiimeynta horudhaca ah ee howlgalkan waxay muujinaysaa in xubno badan oo ka tirsan ISIS la dilay, iyadoo aanay jirin wax rayid ah oo waxyeello soo gaartay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibada caalamka sida Taliska AFRICOM ee Mareykanka, waxay sii wadi doontaa dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah sida ISIS iyo Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nabadgelyada Soomaaliya iyo caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Taliska Ciidanka Haramcad oo dib loo dayactiray oo xarigga laga jaray

Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu qabtay munaasabadda xarig-jarka xarunta...

Golaha Wasiirrada oo si adag u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil ku qaaday dowladda Qatar

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuurriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag...

Duqa Caasimadda oo xarigga ka jaray dhismaha waddada Daarusalaam

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Xasan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Xafladda Furitaanka Biyo-xireenka Itoobiya ee GERD

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...