Maareeyaha hay’adda duulista rayidka oo ka hadlay shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka muqdisho

Date:

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan ayaa faah faahin ka bixiyey sababtii keentay shil diyaaradeed oo maanta ka dhacay garoonka Aadan Cadde.

Diyaaraddan oo ay lahayd QM ayaa saakay barqanimadii ka kacday garoonka muqdisho, iyadoo kusii jeedda magaalada bayshabo balse uu u bixi waayay shaagga hore sidaa daraaddeedna ay kusoo laabatay madaarka Aadan Cadde oo ay markii hore ka duushay, sida uu sheegay maareeyuhu.

Diyaaraddan oo ay saarnaayeen 22 qof oo dhammaantood ka tirsan shaqaalaha hay’adaha qaramada midoobay ayaa si nabad ah kusoo gaca dhigatay garoonka diyaaradaha muqdisho kadib dedaallo badan oo ay sameeyeen hay’adda duulista hawada iyo waaxaha kale ee ka howlgala madaarka muqdisho.

“Diyaarad markii ay cilladi ku timaaddo waxaa jira hab-raac loo maro, badda ayaan kor geynay si dabka loo yareeyo, shidaalkaan ka dhamaynay, intaan shidaalka ka dhamaynaynay waxaan boobsiinnay dhammaan diyaaradihii bixi lahaa iyo kuwii soo degi lahaa, Alle mahaddiis si nabad ah ayay ku degtay 22 qof oo UN ayaa saarnaa, cid wax ku noqotay ma jirto, deb demiska iyo Ambalasyaduna heegan ayay noo ahaayeen, wax mushkilad ahna ma dhicin”.

Dhabbaha ay ka haadaan diyaaradaha oo uu mashquul ku yimid awgeed ayaa la hakiyay duullimaadyada garoonka illaa 5-ta galabnimo ee maanta, sida uu sheegay maareeyaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...