R/ Wasaare Xamsa oo salaaddii ciidda la oogay ciidan iyo shacab ku sugan Sh/Hoose

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa saaka Salaadda Ciidda la oogay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Nambar 50 ee gobolka Shabellaha Hoose.

Tukashada salaadda ciiful fitriga oo ay sidoo kale ka qeybgaleen shacabka ku dhaqan deegaankaasi,waxaa ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay halkaasi uu u mahad celiyey bulshada nambar konton oo u istaagay in cadowga ay ka difaacdaan deegaankooda .

R/wasaare Xamsa waxa uu ugu baaqay dadweynaha Gobolka Sh/Hoode inay garab istaagaan halganka khawaarijta looga xoreynayo guud ahaan dalka, gaar ahaan goobaha ay ka joogaan gobolkaasi.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...