Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo Daawo gaarsiiyay Cisbitaalka degmada Cadale

Date:

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle oo maanta booqday isbitaalka weyn ee degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa ku wareejiyay shixnad daawo ah oo ay Hay’adda ugu talagashay in lagu caawiyo ciidamada qaranka kuwa deegaanka iyo dadka rayidka ah ee ku soo dhaawacmaya furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah ee khawaarijta.

Guddoomiye Maxamuud, ayaa deeqdan Shaxanda ah oo ka kooban qeybo kale duwan, waxa uu ku wareejiyay guddoomiyaha degmada Cadale Muuse Maxamed Axmed, Xildhibaan Geedo Oomane , madaxa caafimaadka degmada Cusmaan Maxamed Jabshe, iyo mas’uuliyiin kale.

Hay’adda SoDMA ayaa maalmihii dambeeyay waday dadal xooggan oo gargaar kala duwan lagu gaarsiinayo gobollada Dalka gaar ahaan goobaha ay ka socdaan xoreynta Khawaarijta Al-shaabaab.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...