Qoysas dan yar ah oo loo qeybiyay deeq gargaar oo ka timid xarunta Boqor Salmaan

Date:

Waxaa sii socota qaybinta Zakada Fidriga ee sanadkan 1446H – 2025, oo ay fulinayso Xarunta Boqor Salmaan iyadoo kaashanaysa Hay’adda Al-Mahaasin Foundation .

Maanta, oo ah maalinta labaad ee mashruuca, ayaa qaybinta si habsami leh u socotay, iyadoo la gaarsiiyay deeqaha xarumaha agoomaha, dadka nadaafadda ee ku nool Isbitaalka Martini, iyo qoysaska danta yar ee ku nool degmada Garasbaaleey ee gobalka Benadir iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.

Qaybinta maanta waxay sii xoojisay dadaallada lagu yareynayo culeyska nololeed ee qoysaska danyarta ah, iyada oo la xoojinayo farxadda maalmaha ciidda barakeysan ee Fidriga. Dadka ka faa’iideystay mashruucan ayaa muujiyay dareen mahadnaq iyo farxad, iyagoo uga mahadceliyay hay’adaha iska kaashanaya gargaarkan naxariista leh.

Mashruucan oo qayb ka ah dadaallada gargaarka ee joogtada ah, wuxuu sii adkeynayaa kaalinta Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadamnimada ee ku aaddan horumarinta adeegyada aasaasiga ah sida amniga cuntada, caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha.

Hay’adda Al-Mahaasin Foundation, waxay mar kale bogaadinaysaa Xarunta Boqor Salmaan dadaalkooda joogtada ah iyo taageeradooda deeqsinimada leh ee shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa la rajeynayaa in mashruucan uu wax badan ka tari doono baahiyaha nololeed ee qoysaska danta yar, si ay u helaan farxad iyo xasillooni inta lagu jiro xilliga ciidda barakeysan.

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...