Dowladda Soomaaliya oo ka guddoontay Midowga Afrika Gaadiidka gaashaaman iyo Agab Ciidan

Date:

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka guddoontay Midowga Afrika Gaadiidka Gaashaaman iyo agab Ciidan kuwaas oo muhiim u ah xoojinta kaabayaasha amniga, kana qeyb-qaadanaysa xasilloonida Gobolka.

Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya, ahna Ergeyga Joogtada ee Midowga Afrika, Danjire Cabdullaahi Maxamed Warfaa, ayaa agabkani kaga guddoomay magaalada Douala ee Dalka Cameroon koox matalaysay Saldhig qaaradeedka Saadka ee Midowga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo (CLB).

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u diraysaa Midowga Afrika taageeradiisa joogtada ah, taasi oo xoojinaysa amniga gobolka, la dagaalanka argagaxisada,xaqiijinta hiigsi-wadaagga loogu saldhigayo xasillooni waarta oo ka taaba-gala guud ahaan qaaradda Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...