Agaasimaha NISA oo kulan kula yeeshay degmada Moqokori Odayaasha dhaqanka

Date:

Agaasimaha Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Yuusuf Ahmed Hagar, ayaa maanta shir muhiim ah kula yeeshay degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan Odayaasha dhaqanka, shirkaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo dardargelinta howlgallada lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada Hirshabelle.

Agaasimaha NISA Cabdullaahi Maxamed Cali ayaa xusay in hey’adda sirdoonka ay diyaarisay qorshayaal dhameystiran oo lagu xaqiijinayo in amniga deegaannada Hirshabeelle, iyadoo diiradda la saarayo gobolka Shabeellaha Dhexe.

Odayaasha dhaqanka ayaa dhankooda balanqaaday inay hey’adda amniga garab ku siinayaan kala shaqeynta nabadda iyo guud ahaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta kuwaas oo ka socda qeybo kamid ah gobolada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...