Bandhigga Farshaxanka iyo Dhaqanka Bariga Africa oo Lagu soo Geba-gabeeyay Addis Ababa

Date:

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka qeyb galay Bandhigga Dhaqanka, Fanka iyo Farshaxanka dalalka bariga Africa oo lagu soo gabogabeeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Bandhigaan oo ay sidoo kale ka qeyb galeen qaar ka mid ah wasiirada dhaqanka wadamada bariga Afrika ayaa hal ku dhig looga dhigay “Fanka iyo Dhaqanku waa is dhexgalka gobolka” waxaana Soomaaliya ku matalayay Hobollada Qaranka ee Waaberi kuwaas oo madasha kusoo bandhigay barnaamijyo xiiso leh oo ka tarjumaya dhaqanka, suugaanta, fanka iyo farshaxanka Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa bandhig dhaqameedkaan ka qeyb galeysa markii ugu horeysay waxa ayna muujisay diyaargarow heer sare ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo wada-tashi diblomaasiyadeed la yeeshay amiirka dowladda Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Madaxweynaha JFS oo wada-tashiyo baahsan oo diblomaasiyadeed la yeeshay madaxda Bariga iyo geeska Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka hawlaha guud ee XFS oo si adag uga hadlay go’aanka ay Israa’iil ku sheegtay inay dowlad ahaan u aqoonsatay Somaliland

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka...