Taliyaha Boliiska oo xarigga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka

Date:

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka ee Ciidanka Boliiska.

G/le Maxamed Cismaan Xirsi(Hindi) oo ah Taliyaha Hogaanka Gaadiidka oo dhawaan xika loo magacaabay ayaa muddo kooban shaqada Hogaanka derdergelin ku sameeyey isagoo ka duulaya dhaqan gelinta amarkii Taliyaha ee ahaa qurxinta Xafiisyada shaqada iyo Tayeynta Ciidanka Boliiska .

Taliyaha oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leedahay in la qurxiyo Xafiisyada lagu hayo shaqada Ciidanka iyo kuwa Bulshada loogu adeego maadama ay qeyb ka yihiin qorshayaasha cusub ee lagu hagayo Ciidanka Boliiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...