Taliyaha Boliiska oo xarigga ka jaray dib u habeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka

Date:

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xariga ka jaray dib u habeyn iyo qalabeyn lagu sameeyey Xarunta Hogaanka Gaadiidka ee Ciidanka Boliiska.

G/le Maxamed Cismaan Xirsi(Hindi) oo ah Taliyaha Hogaanka Gaadiidka oo dhawaan xika loo magacaabay ayaa muddo kooban shaqada Hogaanka derdergelin ku sameeyey isagoo ka duulaya dhaqan gelinta amarkii Taliyaha ee ahaa qurxinta Xafiisyada shaqada iyo Tayeynta Ciidanka Boliiska .

Taliyaha oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in muhiimad gaar ah u leedahay in la qurxiyo Xafiisyada lagu hayo shaqada Ciidanka iyo kuwa Bulshada loogu adeego maadama ay qeyb ka yihiin qorshayaasha cusub ee lagu hagayo Ciidanka Boliiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan doceed la qaatay Dhiggisa Seerbiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Dr.Cabdinaasir Axmed Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenkii Akademiya Goboleedka Af Soomaaliga oo ku geeriyooday dalka Hindiya

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS waxay...

Madaxweyne Xasan Sh. oo khudbad ka jeediyay shirka Dalalka aan Isbaheysiga aheyn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...