Madaxweynaha JFS oo kulan Afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan Afur ah ku maamuusay Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Mudane Maxamuud Cali Yuusuf iyo wafdiga ku wehelinaya booqashada uu ku yimid dalka.

Casho sharaftan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Danjireyaasha iyo diblumaasiyiinta dalalka Afrika ee ka howlgala Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey kaalinta muhiimka ah ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo dadaallada nabadeynta, dib-u-dhiska dowladnimada iyo xoojinta amniga gudaha ee Soomaaliya, isagoo xusay geesinimada iyo naf-hurnimada ay muujiyeen walaalaha Nabad ilaalinta Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dab ka kacay buurta Daalo ee gobolka Sanaag

Dab xooggan ayaa ka kacay Buurta Daalo ee gobolka...

Hawlgal ka dhacay Jubada hoose oo lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Kumaandoosta Danab ee CXDS iyo Darawiishta Jubaland oo...

Wasiirka hawlaha guud oo la kulmay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Netherlands

Wasiirka Wasaaradda hawlaha guud, dib-u-dhiska, iyo guriyeynta ee Jamhuuriyadda...

Maareeyaha NIRA oo ka qeyb galay Meertada 7-aad ee Madasha Horumarinta Aqoonsiga Dhijitaalka ah

Maareeyaha Guud ee Hay’adda NIRA, Mudane Cabdiweli Cali Cabdulle...