𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐪𝐚𝐚𝐛𝐢𝐥𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚

Date:

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiska ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo maanta booqasho shaqo oo laba maalmood ah ku yimid dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre iyo Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, ayaa kulankooda waxay uga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo wadashaqeynta u dhaxeysa Midowga Afrika iyo Soomaaliya, gaar ahaan amniga, la dagaallanka Khawaarijta iyo doorka hawlgalka cusub ee AUSSOM ee Midowga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha in uu safarkiisii ugu horreeyay ku yimaado Muqdisho, taas oo muujineysa ahmiyadda uu Midowga Afrika u leeyahay Soomaaliya, waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu ka hadlay guulaha waaweyn ee dowladda Soomaaliyeed ka gaartay dhinacyo kala duwan, gaar ahaan dagaalka xooggan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta oo halis ku ah amniga guud ee gobolka.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yusuf oo ugu horreyn ka mahadceliyay soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa, ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...