Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Serbiya 

Date:

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallim Fiqi oo khadka Telefoonka kula hadlay Wasiirka Arimaha Dibadda Jamhuuriyadda Serbia Danjire Marko Djuric ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

“Soomaaliya iyo Serbia ayaa xiriirkooda saaxiibtinimo waxa uu gaarayaa muddo 65 sano ah, waxaan xoojin doonnaa, korna u qaadi doonnaa xiriirkeenna wadaagga ah oo muddadaa fog jiray” ayuu yiri Danjire Axmed Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Danjire Marko Djuric Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa boogaadiyay horumarka dhanka Diblomaasiyadda iyo Siyaasadda ee dhexdhexaad ka ah ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka qaadato danaha is diidan ee yaala Golayaasha Caalamka.

Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Serbia ayaa ballan qaaday in ay dowladdiisu taageero la garab taagan tahay dowladda Soomaaliya.

Mar walba Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib gaar ah, waxaan rumeysannahay in aan wax badan wada-qabsan karo” ayuu yiri Marko Djuric.

Ugu dambeyn, labada Wasiir ayaa isla gartay in booqashooyin rasmi ah isweydaarsadaan, si loo ballaariyo fursadaha jira si looga wada faa’iideysto arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo Tiknoolajidda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo daah furtay Shirweynaha Hoggaamiyeyaasha Qurba-joogta ee Qorshayaasha Dowladda

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

Taliyaha Ciidanka Xoggga Dalka oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah u qaabilsan Mareykanka Qaaradda Afrika

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO DAAH-FURAY SANAD-TACLIIMEEDKA 2026/2027 EE JAAMACADAHA DALKA

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...