SoDMA oo furimaha hore ee gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe u dirtay dhaqaatiir

Date:

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA),ayaa furimaha gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe u dirtay dhaqaatiir, gawaarida gargaarka degdegga ah iyo dawo loogu talagalay in lagu taageero geesiyaasha xaq u dirirka ah ee u taagan xoreynta dalka.

Dhaqaatiirta ayaa saldhig ka dhigan doona isbitaalka degmada Cadale, halka ay ka howlgali doonaan Moqokori, Aadan Yabaaal, Xaaji Cali, Guulane, Masaajidka Cali Gaduud iyo guud ahaan goobaha ay xoreynta iyo ciribtirka Argagixisada ka wadaan geesiyaasha xaq u hardanka ah.

Agaasimaha Waaxda Caafimaadka ee Hay’adda SoDMA Dr. Cabdullaahi Muuse Axmed ayaa magaalada Muqdisho ka amba-bixiyay dhaqaatiirta iyo taageerada ay wadaan, halka isla todobaadkan ay Hay’addu degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan geysay daawo loogu talagalay in lagu dabiibo dhaawacyada iyo bukaannada kale ee baahida caafimaad u baahan.

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa xoojisay dadaallada yareynta khasaaraha ka dhasha howlgallada lagu cirib-tirayo khawaarijta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiye Dr. Maryan Qasim oo kulan la yeelatay Safiirka UK ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Dr. Maryan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarigga ka jaray xarunta keydka Daawada

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Dowladda Soomaaliya oo ka qeybgashay shirka sare ee Afrika iyo Faransiiska ee ka dhacaya Nairobi

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Baarlamaanka Carabta oo cambareeyay markab shidaal iyo badmaaxiin u dhashay Masar oo la afduubtay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed bin Axmed Al Yamaaxi, ayaa...