Wasaaradda Qoyska XFS oo deeq raashiin ah u qeybisay Qoysas danyar ah 

Date:

Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta deeq raashiin ah u qeybisay qoysas danyar ah oo ku nool degmooyinka qaar ka mid ah gobolka Banaadir. Deeqdan raashiinka ah ayaa qeyb ka ah ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed, oo Wasaaradda ay muddaoyinkan u adeegsaneysay sidii ay uga caawiso dadka u baahan ee danyarta ah.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa gacanteeda ku qaybiyay deeqdan, iyadoo ay wehliyaan Safiirka Dowladda Qatar u fadhiya magaalada Muqdisho, Amb. Abdullah Salem Nasser Al Holi Al Nuaimi. Qoysaska danyarta ah ee ka faa’iidaystay deeqdan waxaa ka mid ahaa 400 qoys, waxaana qeybinta deeqdaasi ka dhacday degmada Shangaani ee gobolka Banaadir. Qoysasku waxay si weyn ugu mahadceliyeen deeqdan raashiinka ah ee ay heleen.

Ololaha Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Insaanka ayaa socon doona ilaa 8da Maarso, oo ah maalinta caalamiga ah ee Haweenka. Waxaa ololahan ka faa’iideystay in ka badan 3500 qoys oo Soomaaliyeed, waxaana ololahan uu ku beegmay bisha barakeysan ee Ramadaan. Wasaaradda ayaa sii wadi doonta dadaalladeeda lagu taageerayo qoysaska danyarta ah, iyadoo fursado badan u abuureysa kuwa u baahan gargaar.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...