Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galeen Afur Wadareed lagu qabtay xaafada Taleex 

Date:

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ka qeyb galay Afur Wadareed lagu qabtay xaafada Taleex ee Degmada Hodan. Afurkaasi waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Saraakiisha Laamaha Amniga, Maamulka Degmada Hodan, Ganacsato, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Mudane Yabooh, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa u mahadceliyay qaban-qaabiyeyaasha Afurka, waxaana uu bulshada kala duwan ee kasoo qeyb gashay ugu baaqay inay si wadajir ah u ilaashadaan amniga, taasoo muhiim u ah xasiloonida iyo nabadda Caasimadda. Waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda wada-shaqeynta bulshada iyo laamaha amniga, isagoo sheegay in ay tahay in la xoojiyo xiriirka si looga hortago waxyaabaha carqaladeyn kara amniga guud ee dalka, gaar ahaan amniga Muqdisho.

Guddoomiye Yabooh ayaa tilmaamay in tallaabooyinka lagu hormarinayo amniga iyo nabadgelyada ay ku saleysan yihiin iskaashiga bulshada iyo dowlad-goboleedyada, wuxuuna ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta in ay ka qeyb qaataan ilaalinta nabadda, islamarkaana ay ka taxadaraan falalka amni-darrida.

Afurka wadareedka ayaa ahaa fursad lagu soo bandhigo is-afgarad iyo wada-shaqeyn bulshada dhexdeeda, si loo gaaro nolol nabad ah oo xasiloon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...