Mas’uuliyiin ka tirsan DFS oo ka qeyb galeen Afur Wadareed lagu qabtay xaafada Taleex 

Date:

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa ka qeyb galay Afur Wadareed lagu qabtay xaafada Taleex ee Degmada Hodan. Afurkaasi waxaa sidoo kale kasoo qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Saraakiisha Laamaha Amniga, Maamulka Degmada Hodan, Ganacsato, iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Mudane Yabooh, oo hadal ka jeediyay munaasabadda, ayaa u mahadceliyay qaban-qaabiyeyaasha Afurka, waxaana uu bulshada kala duwan ee kasoo qeyb gashay ugu baaqay inay si wadajir ah u ilaashadaan amniga, taasoo muhiim u ah xasiloonida iyo nabadda Caasimadda. Waxa uu si gaar ah u xusay muhiimadda wada-shaqeynta bulshada iyo laamaha amniga, isagoo sheegay in ay tahay in la xoojiyo xiriirka si looga hortago waxyaabaha carqaladeyn kara amniga guud ee dalka, gaar ahaan amniga Muqdisho.

Guddoomiye Yabooh ayaa tilmaamay in tallaabooyinka lagu hormarinayo amniga iyo nabadgelyada ay ku saleysan yihiin iskaashiga bulshada iyo dowlad-goboleedyada, wuxuuna ugu baaqay dhammaan muwaadiniinta in ay ka qeyb qaataan ilaalinta nabadda, islamarkaana ay ka taxadaraan falalka amni-darrida.

Afurka wadareedka ayaa ahaa fursad lagu soo bandhigo is-afgarad iyo wada-shaqeyn bulshada dhexdeeda, si loo gaaro nolol nabad ah oo xasiloon.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda dhowrista xogta dadweynaha oo heshiis la saxiixatay dhiggeeda Naigeria

Hay’adda Dhowrista Xogta dadwaynaha Soomaaliya (DPA) iyo Guddiga Ilaalinta...

Ra’iisul Wasaare Xamse oo guddoomiyay kulanka Guddiga Sare ee Sanduuqa Nabadda 

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre,...

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor),...