Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Raβiisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Raβiisul Wasaaraha, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulankooda maanta ka soo saaray goβaanno dhowr ah oo adkeynaya amniga dalka, gaar ahaan dagaalka Khawaarijta.
Goβaannadaas oo culus ayaa ku wajahan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana lagu dardargeliyey dagaalka Khawaarijta, iyadoo la bogaadiyay guulaha ciidanka, waxaana lagu soo rogay tallaabooyin sharci iyo ciqaabo adag oo la xiriira amniga. Goβaannada Golaha Wasiirradu soo saareen waxaa ka mid ah:
1. Bogaadin iyo taageero: Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen geesinimada ciidamada qalabka sida iyo geesiyaasha ciidamada madaniga ee si halganka ah uga qayb qaadanaya dagaalka Khawaarijta.
2. Tallaabooyin sharciga waafaqsan: Waxaa mar kale muwaadiniinta lagu xusuusinayaa in si khaldan loo isticmaalo warbaahinta, gaar ahaan baraha bulshada, ay mamnuuc tahay. Qof kasta oo lagu helo falalkaas waxaa lala tiigsan doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan, oo ay ka mid tahay in maxkamad la soo taago iyo ciqaabo adag.
Ciqaabta qofka gacan ka geysta falalka argagixisanimo: Muwaadinka oggolaada in gurigiisa, rugtiisa ganacsi, ama gaadiidkiisa loo isticmaalo fal dembiyeed amni wax u dhimaya, waxaa loo arki doonaa inuu si buuxda uga qeyb qaadanayo falalka argagixisada, waxaana loo qaadi doonaa ciqaab adag oo sharciga waafaqsan, sida lagu xusay xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada.
4. Digniin u diran shacabka: DFS waxay mar kale uga digeysaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaannada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada in ay ka fogaadaan goobaha ay Khawaarijta ku sugan yihiin. Hawlgallada cirka iyo dhulka ayaa la sheegay in si xooggan loo qaadi doono si looga hortago kooxaha argagixisada ee dhiigga shacabka ku daadiya.
5. Xakamaynta amniga Garoonka Diyaaradaha: Waxaa sidoo kale la goβaamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sidii qodobkan loo fulinayo waxaa dhowaan soo saari doona laamaha amniga.
Goβaamadan ayaa muujinaya sida dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay u goβan tahay sidii ay uga hortagi lahayd Khawaarijta iyo kooxaha amni-darrida abuuraya, iyadoo la xoojinayo isku-dhafka ciidamada iyo laamaha amniga ee dalka.
