Xeerka Guddiga Isku-duwidda Musiibooyinka oo la Ansixiyey

Date:

Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka, Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa kor-joogteeyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen Dowladda Federaalka, wakiillo ka socday dowlad gobolleedyada, hay’adaha Qaramada Midoobay, NGO-yada maxalliga ah, iyo ururrada bulshada rayidka. Kulankan ayaa lagu ansixiyay xeerka uu ku shaqeynayo Guddiga Qaran ee Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka (NDMCC).

Dr. Axmed ayaa muujiyay muhiimadda wadashaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha heer qaran iyo heer dowlad gobolleed, si loo xaqiijiyo maarayn hufan oo wax-ku-ool ah. Wuxuu xusay in maareynta musiibooyinka ay ku imaan karto dadaal wadajir ah, loona baahan yahay iskaashi buuxa oo dhexmara dhammaan hay’adaha iyo bah-wadaagta kale ee ka shaqeysa gargaarka bini’aadannimo.

Guddiga Isku-duwidda Maareynta Musiibooyinka, oo la aasaasay iyadoo la kaashanayo taageerada mashruuca SCRP ee Bangiga Adduunka maal-galiyay, ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo dadaallada lagu maareynayo musiibooyinka dalka. Guddigan wuxuu kaalin muuqata ka qaadan doonaa isku-dubbaridka dadaallada gurmadka iyo ka hortagga musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa dad-sameeyga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...