Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad oo gaaray Baydhabo

Date:

Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo. Wafdigan waxaa xarunta Madaxtooyada ee magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.

Booqashada wafdigan ayaa la filayaa in ay xooga saarto xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamulka Koofur Galbeed, iyada oo la isla gorfeyn doono arrimo muhiim ah oo khuseeya horumarka iyo amniga gobolka. Wafdigaan ayaa sidoo kale la kulmi doona mas’uuliyiin kale iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku sugan Baydhabo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho

Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ku wajahan...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada gobolka jubbada Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Qeybta 43-aad iyo Kumaandooska...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee BFS oo booqasho ku tagay Xarunta Cilmibaarista iyo Daraasaadka Maqaasid

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Daraawiishta Galmudug oo weeraray goob ay ku dhuumaaleysanayeen Khawaatijta

Howlgal qorsheysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug, gaar ahaan ururka...