Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Xaruumaha Adeegyadda Casriga ah ee Azerbaijan

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqday xarummo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Baku ee caasimadda Azerbaijan, kuwaas oo iskugu jira xarummaha tamarta, difaaca, iyo hormarinta adeegyada dowliga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqday Xarunta BP Sangachal Terminal oo ka mid ah xarumaha ugu weyn ee caalamka ee qaabilsan soo saarista shidaalka iyo habeynta gaaska dabiiciga ah, isagoo uga gollahaa in uu dul istaago awoodda dalkan Azebaijan ee dhanka tamarta, maadaama ay dhawaan labada dowladood kala saxiixdeen heshiis iskaashi oo ku saabsan arrimaha shidaalka iyo tamarta.

Intii booqashada uu ku jiray Madaxweynuhu, waxa uu warbixin ka dhageystay khubarada farsamada oo la wadaagay sida ay xaruntu uga shaqeyso amniga tamarta ee gobolka iyo suuqyada caalamka, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu tilmaamay in booqashadan ay fursad weyn u ahayd is-dhaafsi khibradeed, maadaama Soomaaliya ay haatan waddo sahanno lagu baarayo shidaalka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo sannadkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa booqday Kumaandooska Ciidanka Qaranka Azerbaijan, halkaas oo uu kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Azerbaijan, Mudane Zakir Hasanov. Madaxweynaha waxaa loo soo bandhigay qalab casri ah oo ciidan oo lagu sameeyay gudaha Azerbaijan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Xarunta Adeegyada Casriga ah ee ASAN, isagoo ku bogaadiyey dowladda dalkan hannaanka horumarsan ee casriyeynta adeegyada dadweynaha, waxa uuna xusay in Soomaaliya ay ka faa’iidaysan karto khibraddan, si loo horumariyo addeegyada dowliga ah ee danabeysan (E-Governance)

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixin rasmi ah...

Ciidamada Xoogga Dalka oo howlgallo qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan geesiyaasha sida gaarka...

Madaxweynaha JFS oo Danjire Salaad Cali Jeelle u magacaabay Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Kulan looga hadlayay Amniga Doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka...