Duqa Muqdisho oo qaabbilay wafdi ka socda IOM

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiska kula kulmay wafdi uu hogaaminayo madaxa hey’adda IOM u qaabbilsan Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.

Labada dhinac ayaa waxay ka wada hadleen dradargelinta sidii xal waara looga heli lahaa maareynta barakacayaasha ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayeen xafiiska Xalka Waara ee Gobolka Banaadir (DSU) ayaa inta uu socday waxaa diirada lagu saaray muhiimada ay lee dahay xal u helida Barakacyaasha iyo sidii la isaga kaashan lahaa qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan dib u dajin loo sameeyo barakacayaasha Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in siyaasad cad uu ka leeyahay sidii xal waara loogu heli lahaa arrimaha la xariira maareynta nolasha dadka barakacyaasha ah, maadaama Muqdisho ay isku diyaarineyso doorasho qof iyo cod ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...

DF oo shacabka Soomaaliyeed ku wargelisay inuu dalka galayo marxalad Doorasho loo dhan yahay

Wasaaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiistinta ee (DFS) waxay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS, oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka ee Koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda Cagta ayaa maanta...