Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad oo maanta furay Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed

Date:

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta furay Shirweynaha Shanaad ee Ururrada Shaqaalaha Soomaaliyeed (FESTU) oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho .

Shirka oo ay ka soo qeyb galeen 320 ergo oo ka kala socda Dowlad Goboleedyada Dalka, Gobolka Banaadir iyo wakiillo matalaya 12-ka urur oo shaqaalaha Soomaaliyeed ah, ayaa maalmaha uu socda looga arrisan doonaa difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo madal istiraatiiji ah oo lagu xoojinayo hannaanka dimoqraadiyadeed ee gudaha, laguna adkaynayo midnimada shaqaalaha, la dagaallanka caddaalad-darrada, horumarinta dimoqraadiyadda, kor u qaadidda shaqo abuur, iyo horumar qaran oo ku dhisan sinnaansho iyo caddaalad bulsho.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa sheegey in uu ku faraxsanahay in Madaxweynaha JFS uu maalmo ka hor saxiixay Sharciga Shaqada ee dib u eegis lagu sameeyay, 52 saso kaddib, taas oo guul muhiim ah u ah shaqaale weynaha Soomaaliyeed.

Waxa uu si lamid ah xusey in Xukuumada DanQaran ay ka go’an tahay hirgelinta Barnaamijka Shaqo Wanaagsan (Decent Work Country Programme) oo ah mid mudnaan sare u leh Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in koboca dhaqaalaha uu la jaanqaado fursado shaqo ee dalka ka jira.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...