Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday ganacsade garsoor u doontay khawaarijta

Date:

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun lix bilood ah ku ridday ganacsade Cabdifitaax Yuusuf Xersi (Cagaweyne) oo garsoor u doontay khawaarijta.

Ganacsade Cagaweyne, ayaa lagu eedeeyey in maxkamad beenaadka Khawaarijta ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka ayaa ka hor inta uusan u tagin Khawaarijta waxa uu afarta qof ka dacweeyey maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey maxkamadda gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeeda uu u dhaqaaqay in khawaarijta uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda 17-kii sebtembar ee 2024.

Marxalada kala duwan iyo baaris dheer ka dib ayuu garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida maanta ku xukumay Cabdifitaax Cagaweyne 6 bil oo xabsi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...