Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun ku ridday ganacsade garsoor u doontay khawaarijta

Date:

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun lix bilood ah ku ridday ganacsade Cabdifitaax Yuusuf Xersi (Cagaweyne) oo garsoor u doontay khawaarijta.

Ganacsade Cagaweyne, ayaa lagu eedeeyey in maxkamad beenaadka Khawaarijta ee deegaanka Gendershe ee gobolka Shabeellaha hoose uu ka dacweeyey Afar qof, kuwaasi oo uu ku lahaa lacago deyn ah.

Eedeysanaha oo ah Ganacsade leh dukaan lagu iibiyo raashinka ayaa ka hor inta uusan u tagin Khawaarijta waxa uu afarta qof ka dacweeyey maxkamadda degmadda Kaxda, taasi oo u xukuntay in lacagaha uu ku lahaa raggaasi ay siiyaan, balse mid kamid ah afartii uu dacweeyey ayaa qaatay racfaan, waxaana kiiskooda loo wareejiyey maxkamadda gobolka Banaadir.

Eedeysanaha ayaan tagin Maxkamadda gobolka Banaadir, taas beddelkeeda uu u dhaqaaqay in khawaarijta uu u dacwoodo, waxaana markii uu soo laabtay ay hay’addaha ammaanka ka qabteen degmadda Kaxda 17-kii sebtembar ee 2024.

Marxalada kala duwan iyo baaris dheer ka dib ayuu garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida maanta ku xukumay Cabdifitaax Cagaweyne 6 bil oo xabsi ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha Hirshabeelle oo furay Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa maanta...

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada oo goordhow ka furmaya Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa maanta lagu furayaa Shirka Madasha Arrimaha...

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo soo xiray wajiga labaad ee tababarka Nidaamka PISCES

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha SoDMA

Madaxweynaha Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada...