Agaasimaha Guud ee HSJ oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Swedenย 

Date:

Agaasimaha Guud ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafa Duhulow, ayaa xarunta dhexe ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden u fadhiya Soomaaliya, Danjire Joachim Waern.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta labada dhinac, gaar ahaan isku xirka hayโ€™adaha socdaalka iyo jinsiyadda ee labada dal, wadaagista khibradaha iyo xogaha la xiriira socdaalka, iyo horumarinta aqoonta saraakiisha Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Agaasimaha Guud ayaa ugu horrayn uga tacsiyeeyay safiirka dhacdadii argagaxa lahayd ee ka dhacday dugsi ku yaalla Sweden, taas oo ay ku dhinteen ku dhawaad 10 qof, isagoo muujiyay dareen-wadaagga ay Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda la leedahay dowladda iyo shacabka Sweden.

Danjire Joachim Waern ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha Guud tacsida iyo soo dhaweynta diirran, isagoo hoosta ka xariiqay sida Dowladda Sweden uga goโ€™an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda , isaga oo caddeeyay in Sweden ay sii wadayso dadaallada ay ku taageerayso horumarinta adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee Soomaaliya, isla markaana ay muhiim tahay in la sii ambaqaado dadaallada lagu xoojinayo xiriirka labada dal.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirkadda Diyaaradaha ee Soomaali Airlines oo dib loo bilaabayo

Dawlada Federaalka si rasmi ah ayay dib u soo...

Madaxweynaha oo kormeer ku tagay Dugsiga Farsamada Gacanta, Prof. Caddow ee magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii kaalinta 1-aad ka galay Imtixaanka Dugsiyada Sare.

Wasiirka Qoyska oo xafiiskeeda ku qaabishay hooyada dhashay ardaygii...